DHAGEYSO:- Amaro amniga la xiriira oo Garoowe lagu soo rogay

0

Mas’uuliyiinta amniga ee Puntland ayaa bandow la xiriira dhaqdhaqaaqa baabuurta kusoo rogay magaalada Garoowe laga bilaabo 5-ta galabnimo ee maanta ilaa ay doorashada maamulku ka dhacayso.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa dhaceysa maalinta talaadada ee berri ah.

Hadalkan waxaa magaalada Garoowe kaga dhowaaqay Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in inta bandowga uu socdo aysan jiri doonin cid loo ogolaanayo inay magaalada soo gasho marka laga reebo mas’uuliyiinta xasaanadda leh iyo musharaxiinta.