DHAGEYSO:- Xildhibaano kala dirista Guddiga maaliyada kaso horjeestay

0

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ayaa Maanta soo saaray wareegto uu ku kala diray Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka,waxana ka jawaabay kala diristaas Xoghayaha Guddigaas Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Xoghayaha Guddiga la sheegay in la kala diray ee Maaliyadda Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa waxa uu ku sheegay in kala diristaas ay tahay mid sharcidarro ah.

Hayeeshee uusan raali ka aheyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka,balse ay wataan Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabduweli Ibraahim Muudeey iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad.