AKHRISO:- Puntland:-Guul Daradii Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug.

0

Iyadoo Soomaaliya ay soo martay Abaar Sima loobixiyey ayey saamayn ku yeelatay dadkii xoolo dhaqatadaha ahaa ee Soomaaliya iyo gobolka Mudug.

1950 Qoys oo Reer guuraa ah oo kasoo xarooday Xoolohoodii ayaa gobolka Mudug 6 Xero Barakac oo ku taal ku xaradooday kuwasoo Qoys walba uu Abaaray Xeradii uu ka yaqaanay Dad Eheladiisa ah.

Maalin Khamiis ah 14 July 2016 ayaa Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug loo magacaabay Gole deegaan kuwaasoo Qaar kamid ah ay shaqadoodu ugu horaysay noqotay inay Dadkii Barkacayaasha ahaa ee kasoo xarooday Abaarta ay lacago ka qaataan iyagoo ku wargaliyey inay Hay,ad Waxtarayso iyagoo ka qaadanayey lacag $5 Dollar kaarna siinayey.

Xubno kale oo uu kamid yahay Gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa dadkii Barkacayaasha ahaa ku wargaliyey in Xildhibaanadan ay yihiin kuwo lacagta ka Urursanaya Barakacayaasha lacag dhan 5,000 Dollar ayuu sheegay duqu inay ka qaadeen danyartaasi.

Xildhibaan Salmaan Xassan Waloore oo kamid ahaa Gudiga Joogtada Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo xiligaasi la socday Duqa degmada Gaalkacyo oo Xildhibanada ku eedayey in lacagtaasi ay Barkacayaasha ka qaateen ayaa wuxuu markale ka hadlay Barakacayaasha degmada Gaalkacyo oo Dib u dajin lagu samayn lahaa la dhunsaday Lacagtii lagu dajin lahaa.

Xildhibaanka Salmaan oo Qoraal kusoo dhigay Bartiisa Facbookga eedaynta ugu jeediyey Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ayuu sheegay inuu Dhunsaday Hantidii dadka Bakacayaasha ah.

Xildhibaan Salmaan Xassan Waloore oo kamid ah golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo oo bedelay Walaalkiis oo Wasaarada Caafimaadka Puntland shaqo ka helay ayaa madaxweynaha dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ka codsay inuu Arintaasi wax ka qabto.

Horay ayaa Warsidaha Puntlandvision.com uu uga hadlay Lacagtaasi loogu talagalay Dib u dajinta dadka danyarta ah iyo Dhulkii la dajin lahaa oo la dhunsaday.