DHAGEYSO:-Puntland oo mar kale eedayn culus u jeedisay somaliland

0

Gudoomiyaha maamulka gobolka Sool ee Puntland abuukar cabdi Geelle oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Somaliland inay carqad ku tahay nabadii la dhex-dhigay labaddaan maamul.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in odayaal ka socda Somaliland oo ku sugan magaalada Laascaanood, halkaasi oo lagu heshiisiinayo Beelo walaalo ay dhex-wadaan dhibaatooyin.

Mr Geelle ayaa cod dheer ku qeexay in Odayaal dhaqameedyadda ay soo dirsadeen masuuliyiinta Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabaddeynta gobolka, oo colaado badan ay ka jirto.