Maamulka Puntland ayaa ka digey Roob Dabeyl xooggan wata oo kusoo wajahan Xeebaha Gobolka Bari.
Agaasimaha Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee Hadma Cabdilaahi Axmed Cayro ayaa sheegay In Ay digniin u direen kalluumesatada iyo dadka Reer miyiga ah ee Xoolo dhaqatada ah si ay isaga jiraan khatarta duufaanta.
Duufaantan ayaa wadata roobab, waxaana uu sheegay in ay ku wajahan tahay dhanka dalka Yemen, balse ay saameyn ku yeelan doonto deegaanno Puntland, gaar ahaan kuwa ku yaalla xeebaha gobolka Bari.