SAWIRRO:-Xafiiska Hay’ada UNICEF ee Soomaaliya oo loo soo wareejiyay Muqdisho

0

Xafiiska hay’ada UNICEF oo ka mid ah laamaha qaramada Midoobay una qaabilsan hooyada iyo dhallaanka ayaa sanado badan kadib dib uga furtay xafiiskeeda caasimada dalka ee Muqdisho.

Munaasabad xariga loogaga jarayay xafiiskan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa Leyla Bakar ee Hay’adda Unicef iyo mas’uuliyiin kale.

Munaasabada waxaa Goobjoog ka ahaa shaqaalihii Hay’adda Unicef ee ka howlgali jiray dalka kenya oo maanta wixii ka dambeeya shaqadooda ay tahay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo hore dowlada federalka Soomaaliya ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah inay xafiisyadooda u soo raraan magaalada Muqdisho.

Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin wayn oo taariikh ah in xafiiskii Soomaaliya ee Hay’adda ee ku yaalay Niarobi in gudaha dalka ka howl bilaabo.

Madaxda Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF Leyla Bakar ayaa sheegtay in Muhiimad gaar ah ay leedahay arrintan

“Waxaan maanta u soo wareejinay xafiiska maamulka Magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah uga shaqeyn doona Muqdisho iyo qeybaheeda kala duwan, muhiimad gaar ah ayee ii leedahay maanta in halkan aan joogno”.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaayay in maanta micno weyn dalka ugu fadhiyo xafiiska Soomaaliya ee Unicef si rasmi ah in dalka uga shaqo bilaabo, isla markaana uu shaqo abuur ay u noqon doono Muwaadiniinta.

Unicief ayaa Soomaaliya waxa ay kala shaqeysaa arrimaha Biyaha, Caafimaadka, Nafaqeynta, Haweenka iyo dhalaanka, waxbarashada iyo ilaalinta bulshada.