Kooxo hubeysan ayaa waxaa ay saakay dilal ka fuliyeen degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobalka Banaadir.
Dilka koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay Agagaarka Masjidka Xareed ee Degmada Howl-wadaag ee Gobalka Banaadir, waxaana ninka la dilay lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi, waxaa uuna ka shaqeynayay mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Muqdisho.
Sidoo kale Dilka labaad ayaa la sheegay inuu ka dhacay Xaafada taleex agaar ahaan Madaxtooyadii hore Cabdi Qaasim Salaad Xasan.
Kooxihii dilalka ka fuliyay degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobtii ay falalka ka geysteen.
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobihii ay dilalka ka dhaceen, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay.
Weli Saraakiisha Booliska Soomaaliya Kama hadlin dilalka ka dhacay Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay marti gelisay mudooyinkii ugu dambeeyay dilal loo geysanayo askarta ka tirsan dowlada iyo dadka Shacabka, inkastoo Ciidamada Booliska Soomaaliya ay iyagu kordhiyeen baaritaankooda.