AKHRISO:- Maxay kawadda hadleen Wasiirka Gashandhiga DFS & Wafdi Taliyaniga kasocda

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Safiirka Dawladda Talyaaniga u Fadhiya Soomaliya oo uu wehliyo u qeybsanaha Arrimaha Ciiidamada Ee Safaarada Talyaaniga oo Dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga Soo Magacowday.

kulanka Waxaa looga Hadlay arrimo la Xiriira Iskaashiga Milatari ee ka Dhexeeya Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Ayaa uga mahad celiyay Kaalintii ay ka qaadatay Dowladda Talyaaniga Dib-u-howlgalinta Isbitaalka Xoogga iyo ka qeyb qaadashada dib udhiska Ciidanka Xoogga dalka.

Dhanka kale Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in uu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga dalka oo ay wado dawladda Soomaaliya, isaggoo xusay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaa dib udhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda.