TOP NEWS:- Soomaaliya oo Ciidamo Nabad Ilaalin u diraysa Koofurta Sudaan.

0

Urur Goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo ka socda ka socda dalka Gobolka oo Nabad Ilaalin loo dirayo dalka Koofurta Sudan, si loo hirgeliyo heshiiskii laga gaaray colaada Koofurta Sudan.

Shir madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa dhinacyada isku haya Koofurta Sudan ku saxiixeen heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo colaada dalkaas ka jirtay tan iyo sanadkii 2013.

Soomaaliya, Jabuuti, Sudan iyo Uganda ayaa Ciidamo nabad ilaalin u diri doona Koofurta Sudan, sida lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay IGAD oo ku aadanaa heshiiska ay gaareen dhinacyada Koofurta Sudan,

“Waxey go’aan ku gaartay in IGAD inay kala shaqeyso golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in ciidama nabad ilaalinta oo ka socda gobolka si buuxda loo geeyo, si ay u fuliyaan howsha loo igmaday qaab waafaqsan qaraarada golaha ammaanka ee 2304/16 iyo 2406/18 waxaana la codsan doonaa in dib u eegis lagu sameeyo howlaha loo igmaday”ayaa lagu yiri war murtiyeed ka soo baxay IGAD.

Sidoo kale waxaa war murtiyeedka lagu sheegay in Ciidamada ka socda dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Sudan iyo Uganda ay noqon doonaan kuwo damaanad qaada ilaalinta xasiloonida iyo amniga, si qaab dhameystiran ugu hirgaliyaan qaraarka heshiiski laga gaaray colaada Koofurta Sudan.

Isku soo wada duuboo Soomaaliya oo ay joogaan Ciidamo ka socda dalalka Midowga Afrika ayaa laga sugayaa inay aqbasho codsiga IGAD ee Ciidamada Nabad Ilaalin loogu dirayo dalka Koofurta Sudan, waxaana go’aanka ugu dambeeya yeelan doona Baarlamaanka Soomaaliya, haddii ay soo jeedin ka timaado Wasaaradda Gaashaandhigga.

TOP NEWS:- Soomaaliya oo Ciidamo Nabad Ilaalin u diraysa Koofurta Sudaan.