DHAGEYSO:Jeneraal Caanood oo Ka Hadlay in uu La Goystay Gaadiid iyo Ciidamo

0

Abaanduulihii hore ee CXD Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood ayaa beeniyay inuu la goostay gaadiid iy ciidamo isagoona sheegay in uu soo dhaweynayo xilka qaadista lagu sameeyay Khamiistii aynu soo dhaafnay.

Jeneraal Caanood oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah,islamarkaana ay faafiyeen kuwa kasoo horjeeda horumarka Dowladnimadda Soomaaliya.

Dhanka kale jeneraal-ka ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Al-shabaab laga xureeyay inta u dhaxeyso gobolada shabeellaha hoose iyo shabellaha dhaxe isagoona xusay in maleyshiyaad iyo horjogayaal ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgalka.