AKHRISO:- Ciidamada Liyu Booliiska DDS oo Lagu Eedeeyay Inay Dileen 40 Oromo ah

0

Ugu yaraa 40 qof oo u dHashay qowmiyada Oromada Ethiopia ayaa lagu dilay Bariga gobolka Oromina ee dalka Ethiopia, waxaana dilkaas lagu eedeeyay inay geesteen ciidamadda gaar ah ee Liyu Booliis ee dowladda degaanka Somalida Ethiopia

Nin madax ka ah xiriirka Degmada Mayu Mulukke oo lagu magacaabo Tizita Abay ayaa BBC-da u xaqiijiyay dilka dadkaasi, waxaana uu sheegay in dadka dhintay ay ay isugu jiraan Haween, Caruur iyo dad waayeel ah, sidoo kale Nin ka badbaaday weerarkaasi ayaa sheegay in mayd ahaan ay uga tageen isaga.

” Annagoo hurudna ayaa soo fureen albaabka, waxay dileen xaaskayga, wiilkayga iyo ilmo yar oo deriska ah oo nala hurday” Sidaas waxaa yiri ninka badbaaday weerarkaasi

Saraakiisha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia weli kama hadlin Weerarkan lagu eedeeyay ciidamadda Booliska Liyu, hase yeeshee waxaa sii kordhayay maalimihii u dambaysay amni xumada iyo weerarada ka dhacay degaamadda Soomaalida iyo Oromada tan iyo markii ciidamada Milateriga Ethiopia ay qabsadeen caasimada Jigjiga, islamarkaana ay ku khasbeen madaxweynihii DDS Cabdi Maxamuud Cumar inuu iscasilo, isagoo haatan lagu hayo guri ku yaal caasimadda Dalkaasi ee Adis-ababa.

Dhinaca kale, Labo qof oo ka soo jeeda Qomiyada Tigreega ayaa dhagaxaan lagu dilay xilli ay ku sugnaayeen gobolka Oromada.Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay inay yihiin beeralay tobbonnaan sanno ku noolaa degaankaasi, waxaana la sheegay inay dileen dhalinyaro dibadbaxyo dhigayay, kuwasoo qaarkood ay Booliisku gacanta ku dhigeen, kuwo kalana lagu daba jiro