Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka waddanka UK u qaabilsan dalalka Soomaaliya Ambassador David Concar oo booqasho ku tagay deegaanada Soomaaliland.
Kulanka ayaa madaxweynaha iyo safiirku waxay kaga wada-hadaleen arrimo badan oo khuseeya mandaqadda geeska Afrika iyo wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee horay ugu socday oo in muddo ah hakad ku jirey iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa markale, islamarkaana hannaankii wada-hadalladaas looga gaadhi lahaa xaqiiqo taabata dareenka labada dhinac.
Af-hayeenka Madaxweynaha Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo ka warbixiyay kulankaas ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha iyo safiirka UK ay ka wada-hadleyn arimo kale dhowr ah oo ay ka midtahay Doorashooyinka Soomaaliland Madaxweyne Muuse Biixine uu safiirka u caddeeyey inay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay doorashooyinkaasi xilligoodii ku qabsoomaan.