SAWIRRO:-Xafiiskii taliye ku xigeenka koowaad ee NISA oo la jabsaday iyo Burbur loo geystay

0

Xafiiska Taliye ku xigeenka koowaad ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa xalay loo dhacay iyadoo la burburiyey qalabkii Xafiiska, dokumentiyadii iyo dhammaan agabkii yaallay.

Falkan ayaa la xaqiijiyey inay ka danbeeyeen ciidamo ka tirsan NISA oo ka amar qaata Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus), wuxuuna dhacay iyadoo uu dalka maqan yahay, howshana uu fuliyey kusimaha uu sameystay ee madaxa shaqaalaha ahaa ninka lagu magacaabo C/llaahi Jiis.

Xafiiska Taliye ku xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla ayaa ku dhex yaalla xarunta NISA ee Habar Khadiija loo yaqaan, waxaana loo geystay fal ay saraakiisha NISA ku tilmaameen mid aan hore loogu arag taariikhda Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, ayna tahay fool xumo weyn oo hay’addaasi ka dhex dhacday.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in Agaasimaha NISA uu lahaa amarka lagu galay xafiiska ku xigeenkiisa koowaad, xilli uusan dhowr maalmood cagta dhigin xarunta NISA, ka hor inta aanu shalay ka dhoofin dalka, waxaana xafiiska laga qaatay dokumentiyo la sheegay in la doonayo sidii dembi loogu sameyn lahaa.