Akhriso:-Ugandha Oo Wada Qorsho Lagu Aqoonsanayo Soomaaliland

0

Gudoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliland Dr Cali Yuusuf Axmed oo Saxaafada la hadlay ayaaa Sheegay in Xildhibanada ka Socda dalka Uganda ay Soomaaliland u yimaadaan Qorshe Dowladda Uganda ay u taageerayso Madax banaanida Soomaaliland.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa si jeesjees ah u yiri Uganda waxaa ay na mooday Soomaaliyadii Amniga Xumeyd laakiin waxaanu tusnay in aan nahay Wadan Amni badan leh oo madax banaan mudo 30 ku dhow waxaana Xusay in Xildhibaanada ay kormeerayaan Dekeda Barbera oo Soomaaliland ay ku wareejisay Dowladaha Imaaraadka iyo Itoopiya.

Xildhinaanada ka socda dalka Uganda ayaa kulmey Madaxda sare ee Maamulka Soomaaliland waxaa ayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriir dhexmara Dowladda Uganda iyo Maamulka Aqoonsi raadiska ah ee Waqooyiga Soomaaliya, lana magac baxay Jamhuuriyada Soomaaliland.