Madaxweynaha Dalka Turkiga oo ku dhawaaqay Golaha Xukuumadiisa Cusub

0

Madaxweynaha Turkiga ee dib loo doortay, Rajab Dayib Erdogan waxa uu ku dhawaaqay xubno ka mid ah Xukuumadiisa Cusub, saacado kadib, markii loo caleemo-saaray Xilkaasi.

Tirada xubnaha Wasiiradda Cuusb ayaa lagu soo koobay 16-Wasiir, halkii ay horey u ahaan jirey 26-Wasiir, iyadoo lagu salaynayo Nidaamka Awoodeed ee Madaxtooyadda dalkaasi.

Wasiirkii hore ee Tamarta ee Turkiga, Berat Slbayrak waxaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Gudaha iyo Caddaaladda ee Turkiga waxay si ihayn doonaan Xilalka ay ku magacaaban yihiin.

Madixii Guud ee Shaqaalaha Xafiiska Madaxtooyadda, Hulusi Akar waxa uu ku soo biiray Xukuumadda cusub ee uu Madaxweyne Erdogan ku dhawaaqay, waxaana Mas’uulkaasi laga dhigay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga.

Dhinaca kale, Fu’aad Oktay waxaa loo magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenka keliya ee dalka Turkiga.

Xukuumadda cusub ee Turkiga waxaa la filayaa inay kulankooda koowaad yeeshaan maalinta Jimcaha ee soo socota.