DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Gobalka Bari oo Qul qulka Tahribayaasha War Cad kaso saaray

0

Mudooyinkii udambeeyay waxaa Magaalada Bosaaso si xowli ah ku soo galayay Tahriibayaal ubadan Itobiyaan , kuwaas oo beegsanayay Safar bada ah oo ay doonayaan in ay ku tagaan dalka Sacuudiga.

Tariibayasha soo gaaray Magaalada Bosaaso ayaa la sheegay in ay gaarayaan (9,720 qof sagaal ku Todobo boqol iyo labaatan qof.

Maaamulka Gobolka bari ayaa arintan kulan ka yeshay , waxyan sheegeen in dadkan qaar kood dib loogu celin doono meelihii ay ka yimaadeen markii ay iska arkeen arintan Hay,adaha qaabilsan Muhaajiriinta.

Guddoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays dhedo oo Warbaahinta la hadlayaay ayaa sheegay in ay sii badanayan Tahribayaasha u dhashay dalka Itoobiya ee soo galaya Puntland gaar ahaan Boosaso