SAWIRRO:- Madaxweynaha JFS Soomaaliya oo saaka Salaadda Ciidda kula tukaday shacabka Masjidka Isbahaysiga Islaamka.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga dalka si dalka looga cirib tiro argagixisada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka magaalada Muqdisho dulqaadka ay sameeyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna ku bogaadiyay laamaha amniga sida ay qorraxda iyo dhaxanta ugu taagnaayeen in ay dhiigga shacabka ka badbaadiyaan kooxaha horarka ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka.