DHAGEYSO:- Madaxda Galmudug oo Digniin u diray Maleeshiyaad Galgaduud ku dagalamay

0

Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay in ay heshiis kala dhex dhigaan laba beelood oo ku dagaalamay deegaanka xananbuure ee Gobolka Galgaduud kuwaas oo dad iska dilay.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goobjoog ka ahaa madashii lagu heshiisiinayey labada beelood ayaa waxgaradkii kaq eyb galay ka dalbaday in ay maamulka kusoo wargeliyaamn cidkasta oo markale dhibaatadaan bilaawda.

Waxa uu igniin u diray maleeshiyaadkii wada dagaalamay oo uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono cidkasta oo dhibaatada ka dhex abuurta bulshada deegaanka xanabuure oo ay horay ugu wada dagaalameen.