DHEGAYSO:- Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Somaaliya oo sheegay in dalka ay joogan Ajaanib dalkooda dambiyo ka galay

0

Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiydaha Soomaaliya Maxamed Aadan(Koofi) ayaa sheegay in Gudaha Soomaaliya ay joogaan Ajaanib aad u farabadan oo dalkooda dambiyo kala duwan ka soo galay.

Waxa uu sheegay in Ajaanibtaas ay yihiin kuwo sanadihii u dambeeyey dalka soo galay,iyaga oo aan Wadanka ku joogin wax sharci ah,isla markaana qaarkood ay yihiin kuwo ku ilmo dhalay.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in la qorsheynayo in dadkaas laba loo kala saaro si loo diiwaangeliyo ,isla markaana kuwa dalalkooda dabiyada ka soo galay loo ganac geliyo Hay’adaha Amniga halka kuwo kale loo sameynayo Sharciyadda ay dalka ku joogi lahaayeen.

Sicad taliyuhu uma shaacin dalalka ugu badan oo ay ajaanibtaas ka yimaadeen balse waxa uu sheegay in iminka uu socdo qorsho lagu kala saarayo kuwa dambiyada dalkooda ka soo galay iyo kuwo kale.

Sikastaba tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dalka waxaa Soomaaliya ku soo qul qulayay Ajaanib farabadan kuwaas oo qaarkood ka howlgalla Shirkado,Isbitaalo iyo goobo kale,balse haatan Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiydaha Soomaaliya uu sheegay in la diiwaan gelinayo.