Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Guddoomiye Baarlamaan (Akhriso)

0

Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shir jaraa’id ku qabtay waxaa uu ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka banaan ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii mooshinka ka waday Guddoomiye Jawaari, isla markaana dhowr jeer ugu baaqay inuu is casilo.

Waxaa uu sheegay in xilkan uu waayo aragnimadeeda leeyahay, isla markaana uu xilli adag dalka u soo shaqeeyay, waxaa uu sabab uga dhigay inuu xilkan mar kale isku soo sharaxo inay tahay in aqoonteeda iyo kartideeda u leeyahay, si loo helo degenaansho siyaasadeed oo dalka lagu soo dabaalo.

“Ayadoo duruufo adag dalka ka jira ayaa u soo shaqeeyay, oo aan dhaqaale jirin, miisaaniyad jirin, waxaa leeyahay waayo aragnimo xilkan, waxaa go’aansaday inaan maanta is sharaxo oo aan umadda Soomaaliyeed u soo bandhigo, anigoo ka codsanayo inay gacan igu siiyaan”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sheekh Aadan madoobe ayaa horay u soo noqday Guddoomiye Baarlamaan, xilligii dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf ee xarunta KMG u aheyd Baydhabo, waxaana xilka loo doortay bishii January sanadkii 2007-dii, xilligaasoo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka laga qaaday Shariif Xasan oo sanadkii 2004-tii lagu soo doortay Kenya.

Aadan Madoobe ayaa xilka iska casilay bishii April ee sanadkii 2010, xilligaasoo uu ka dhashay khilaaf muddo xileedkiisa Guddoomiyenimo, waxaana xal laga gaaray uu isku casilay, isla markaana dib uga soo muuqday Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Cumar C/rashiid oo uu ka noqday Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiirka Dekedaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu xusuustaa in markii uu is casilay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf inuu noqday Kusime Madaxweyne muddo 33 cisho, kaddibna waxaa xilka Madaxweynaha sanadkii 2009-kii loogu doortay Sheekh Shariif isku darkii labada Baarlamaan iyo Isbaheysigii Dib u xoreynta ee fadhigooda ahaa Asmara.