Mandheera: 6; qof oo laga badbaadiyay Daad qaaday Gaari ay la socdeen,

0

Ugu yaraan lix qof oo dhaawac ah ayaa la geeyay Magaalada Mandheera ee waqooyi Bari Kenya kaddib markii Gaari dadkaas ay la socdeen uu daad la tagay.

Ciidanka Amaanka ee Mandheera ayaa gurmad u galay badbaadinta lixda Qof iyada oo lagu guuleystay ugu dambeyntii,waxaana hadda ay ku jiraan Isbitaal.

Cali Robo ayaa sidoo kale dadka kula taliyay in ay u wareegaan dhulka aad u sarreya maaddaama heerka dhererka Biyaha uu sare u kacay islamarkaana daadad xoog leh ay ka jiraan Gobolka.

Dhinaca kale Maamulka Gaarisa ayaa sheegay in labo qof ay geeriyoodeen iyada oo tiro kalena ay dhaawacyihiin,waxaa sidoo kale bur buray Guryo kaddib markii Roobka Guga uu saameyn taban ku yeeshay degaannadaas.

Roobka Guga oo ka curtay meelo badan oo ka mid ah Afrikada Bari ayaa dhulka uu ka da’ayo waxaa ka mid ah Dalka Kenya.