Hogaamiye yaaaha Sadexda ah ee isbaheysiga Nasa oo loogu Baaqay in aysan Fara Galin Heshiiskii ay Gaareen Mucaaradka iyo Dowlada.

0

Hogaamiye yaasha Saddexda ah ee isbaheydiga Mucaaradka ah ee Nasa oo Kala ah Kalonzo musyoka Musalia Mudavadi iyo Mosed Watangula ayaa Loogu Baaqay in aysan Faraha La Galin Heshiiskii ay Gaareen Madaxeynaha Dalka Mr uhuru Kenyatta iyo Hogaamiyaha Mucaaradka Mr Raila Odinga.

Madaxa Golaha Aqalka Sare u Matala ismaamulka Siaya Mr Jemes Orengo ayaa Ka Dalbaday Sadexda Hogaamiye in ay Ixtaraamaan Heshiiska Labada Dhimac Maadaama Raila uu Yahay Hogaanka ugu Sareeya ee Mucaaradka.

 

Mr Orengo oo Ka Hadlay in Talaabada uu Qaatay Raila uu La Socoddiin Sadexda Hogaamiye ayaa Waxaa uu Sheegay in aysan Taa Qalad aheyn. Dhanka Kale Waxaa uu Sheegay in Raila uu ahaa Shaqsigii u soo banbaxay 30 kii Janaayo oo Loo Dhaariyay Madaxweynaha Dadka Balse Xiligaas iyagu Garabkiisa Baneyeen.

 

Mr Orengo ayaa Hadalkaan Ka sheegay aas Loo Sameyay Maalintii Shalay mzee Willy Kaina Kilimo oo Ka Dhacday Tuulada Chebie ee Dhacday Degmada Galbeedka ee Elgeyo.

 

Waxaa sidoo Kale Madasha Goob Joog ka ahaa Madaxa Golaha Aqlabiyada Tirada Badan ee Golaha Sare u Matala ismaamulkaas Mr Kipchumba Morkomen iyo Hogaamiyaha Mucaaradka Mr Raila Odinga.

Si Kasta oo ay ahaataba Hadalkaan ayaa Waxaa uu imaanayaa iyadoo Xildhibaano Lagu soo Doortay Aqoonsiga Xisbiga Mucaaradka ah ee Amani ay ku Hanjabeen in Raila ay Ka saari Doonaan Dalada Isbaheysiga Mucaaradka ah ee Nasa.

By mohamed somali