Midowg Yurub oo Saldhig Ciidamada Lagu Tababari Doono Ka Dhisaya Jowhar (SAWIRO)

1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa Kulan Magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Hirshabelle kula qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo gaaray Magaalada, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Iyo Taageerada ay ugu baahantahay Midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinyay Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo saraakiisha Ciidanka Boliiska, Waxaana Madaxweynaha uu warbixin ka siiyay Wafdiga dadaalada ay ku doonayaan Xaqiijinta ammaanka iyo bilowga Dhismaha Ciidanka Boolois Hirshabelle oo dhismihiisa ay ka qeyb qaadanayaan Midowga Yurub, waxaana uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in ay iska kaashadaan dardargalinta dhismaha iyo horumarinta ciidanka si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegaannada Hirshabelle, sidoo kale waxa uu kaga mahadceliyay Midowga Taageeradooda Soomaaliya.

Madaxa Wafdiga Midowga Yurub ee Gaaray Magaalada Jowhar Patrick ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle kaga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, waxaana uu ku ammaanay dadaalka uu ugu jira dhismaha iyo horumarinta Hirshabelle, waxaana ka midowga Yurub ahaan uu balanqaaday in ay ka saacidayaan dhinacyada Ammaanka Dhisida Ciidanka Booliiska Hirshabelle, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, Caafimaadka waxbarashada, iyo arrimo kale.

Kulanka Kaddib Ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Waare Iyo Madaxa Wafdiga Midowga Yurub Patrick ayaa dhagax dhigay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Hirshabelle ee Magaalada Jowhar kaasi oo lagu tababari doono Ciidamo ay yeelato Hirshabelle, waxaana dhismihiisa uu bilowday, waxaana Bisha April uu tababar ugu Furmi doonaa Dufcadii 1-aad Ciidanka Boliska hirshabelle.

Madaxa Midowga Yurub oo dhagax dhiga kaddib hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu yimaado Magaalada Jowhar islamarkaana la kulmo Madaxda Dowladda Hirshabelle, kalana hadlaan dhisida Ciidanka goob joogna uu ka noqdo dhagax dhiga Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo uu rajeynayo in ay ka aflaxaan Ciidamo ka shaqeeya xaqiijinta ammaanka awoodna u yeesha in ay ka hortagaan falalka Amni daro ee mararka qaar ay soo qaadaan dagaalamayaal katirsan Al-shabaab.

Sidoo Kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa kaga Mahadceliyay Midowga Yurub Dadaalkooda ku aadan horumarinta iyo Garab istaaga Soomaaliya, waxaana ku ammaanay sida ay u garabtaaganyihiin oo ay ka caawinayaan dhismaha ciidanka Boliiska Hirshabelle, isagoo ku tilmaamay dhagax dhiga dugsigani uu ka turjumayo sida ay isugu howlayaan in laga shaqeeyo xaqiijinta iyo sugida ammaanka.

Comments are closed.