Jawaari oo mooshin ka dhan ah laga gudbiyey

0

Mudanayaal ka tirsan golaha shacabka ayaa mooshin ka gudbiyey gudoomiyaha barlamanka prof Maxamed sheekh cismaan jawaari.

Qeyb ka mid ah Xildhibaanadan oo warfidiyeenada LA hadlay ayaa sheegay in ay warqad ka gudbiyeen Mudane jawaari,iyagoo xusay in ay warqadaasi gaarsiiyeen gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane c/weli sheekh Ibrahim muudeey.

Mudanayaasha ayaa prof jawaari Ku eedeeyey xil gudasho la’aan iyo dar dar galin la’aanta dhismaha gudiyada kala duwan ee barlamanka.

Xildhibaanadan warbaahinta LA hadlay ayaa sheegay in tirada mooshinka ka wada jawaari ay gaarayaan ilaa 100 mudane .