Awaamiir ka soo baxay Wasaaradda Duulista Soomaaliya oo Ka Dhaqan Gashay Garoonka Kismaayo

0

Amarro ay dhowaan soo saartay wasaaradda duulista iyo Gaadiidka hawada ee Soomaaliya ayaa ka dhaqan galay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, maamulka Jubbaland.

Mareeyaha Guud ee Garoonka Diyaaraha magaalada Kismaayo Cabdulahi Aadan Maxamuud ayaa soo saaray amarrada wasaaradda Duulista Soomaaliya in lagu soo rogay shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Garoonka Magaalada Kismaayo.

Amarrada ka dhaqan galay garoonka Kismaayo waxaa ka mida: in dadka rakaabka ah ee garoonka ka baxaya aysan gudaha garoonka ku sugnaan karin wax ka badan Saddex saacadood iyo in qof ku qoran dhoofka aan diyaarada laga reebin karin ama lagu bedeli Karin qof kale, waxaana dadka rakaabka laga doonayaa inay Xaadir ku ahaadaan 3 saac ka hor inay xaadir ku ahaadaan Garoonka.