FAALLO:- Arinta heshiiska Berbera iyo damaca Emaaraadka iyo Itoobiya ee Khayraadka Soomaaliya eedeynta DFS ma ku qanci karaan shacbiga Soomaaliyeed?

0

Waa amakaag ,yaab iyo argagax heshiiskii saddex geesoodka lagu tilmaamay ee dhexmaray Emaaraadka ,Ethiobiya iyo maamulka Soomaalilaand,waxaa hubaal ah meel kasta ha ku noolaadeen in ayyan seexan oo hurdo fiican ladan marka laga reebo tira yar oo dulaal u ah shisheeyaha u soo tafaxaytay boobka khayraadka dalka Soomaaliya .

Ma rabo in aan hadal badan ku dheeraado ee waxaa isweydiin leh(DIBIGA INA NAASA ADAG IYO LABADA WEER MAXAA KULMIYEY)? Maxaa isku beegay booqashada wasiirka koowaad Khayre iyo saxiixa heshiiska Dekedda Berbera?Ninba dhan u qaaday,laakiin aniga waxay ila tahay fadeexad labaad oo dhacday oo cadawygu maleegay ayada oo tii kowaad ahayd Qalbidhagax oo eediisa ay qaadatay xukuumada Soomaaliya ee khayre hoggaamiyo.

Ma xuma bayaanka DFS,laakiin naguma filna shacbi ahaan waxaana sugeynaa in la qaado tilaabooyinkaan.

1-Dawladaha Ethiobiya iyo Emaaraadka in qoraal loo qoro in ay ka jawaabaan gefka ay ka galeen madaxbanaanida iyo gobanimada dalka Soomaaliya ee Caalamku aqoosan yahay.(Independence and sovereignty.)

2-In loo gudbiyo ururada caalamiga iyo kuwa goboleedba astako ama dacwad ka dhan ah labada dawladood ee soo weeraray qayb ka mid ah Soomaaliya maadaama caalamku aqoonsan yahay midnimada Soomaaliya.

3- Haddii garawsho laga waayo Emaaraadka iyo ethiobiya aragtida Soomaalidu waa inaanaa wada macaamili Karin ee aan kala aruursanaa.(Waad baahan tahay baqti looma cuno).

Ugu danbeyn Madaxweyne Farmaajo,Golaha wasiirada iyo barlamaanka oo go,aanka kama danbaystaa leh arintu waa (labaatan jir mudug jooga Ebbe uma xilqarin),shacbiguna wuxuu sugayaa eedayn wax ka badan ee la mid ah arinta badda.

Wa Bilaahi Towfiiq.

W/Q: Cabdullaahi Jimcaale Faarax
London,Uk