Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdwali Cali Gaas oo ku sugan Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu san wax gor gortan ah uu san ka galaynin duulaanka qaawan ee ay ku qabsadeen Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool Malayshiyaadka Soomaali diidka ah ee lamagacbaxay Soomaaliland.
Warar hoose oo ay helayso Warbahinta Allgalgaduud.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas ay la soo xiriireen Madaxda Wadamada dariska laha soomaaliya iyo Hay,adaha daneeya xasiloonida Gobolka ,ilo xogo gaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynuha uu ka diiday Wadamadaasi soo jeedintooda ah in la dhax dhaxaadiyo isaga iyo Muuse Biixi oo sheegta Madaxweynaha Maamulkaasi Soomaalildiidka ah.
Madaxweyne Cabdiwali caligaas ayaa sheegay in uusan Wax gor gortan ah uusan ka gali doonin taako kamid ah dhulka Puntland oo ay haystaan Maamulka Soomaaliland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay ka go,antahay Soocelinta Xuduudaheeda dhawaana ay jawaab cad kabixin doonto.
Hadalka Madaxweyne Cabdiwali cali Gaas ayaa waxa uu ku soo beegmayaa kadib markii shalay uu shirjaraaid magaalada Hargaisa uu ku qabtay Madaxweyne muuse Biixi oo uu ku sheegay shirkiisa in xuduudka Soomaaliland uu yahay Meel 70kmtr ujirta Magaalada Garoowe , waxaana uu sheegay Biixi sidookale in xiisada ka taagan Tukaraq aysan kala hadli doonin Maamulka Puntland oo uu ku sheegay in uu yahay Gobol katirsan Soomaaliya.