Qaar kamid ah Waxgaradka magaalada Cadaado ayaa cabasho ka Muujiyey Wareejinta Madaxtooyada ee Maamulka Galmudug taas oo la sheegay in loo wareejiyey magaalada Dhuusa Mareeb ee caasimada Rasmiga ah ee Galmudug.
Waxgaradkan ayaa sheegay inaysan Caasimada Galmudug isku darsanayn Caasimada Gobolka Galgaduud iyo Madaxtooyadii maamulkaasi.