Al Shabaab oo weerar Madaafiic ah ku qaaday Degmada Waajid

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar Madaafiic ah oo Xalay Saqdii Dhexe Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in labada dhinac ay is weydaarsadeen Hub culus, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi.

Balse xaaladda ayaa Saakay dagan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ka wada degmada Waajid iyo nawaaxigeeda Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmadaasi