Dhageyso: Maxamed Cabdi Kaliil “Cabdiweli Sheekh Waa R/wasaarihi Ugu Horeeyay Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Gedo”.

0

KaliilGuddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Abdi Kaliil ayaa waxaa uu sheegay inay taariikh cusub oo u furantay ay tahay in Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed oo kasoo jeeda gobolka Gedo loo magacaabo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Mr, Kaliil ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan gobolka Gedo looga debaaldegayo magacaabista Dr, Abdiweli Shiikh oo uu sheegay inuu yahay aqoonyahan wax badan ka badeli kara xaalka hadda dalka uu ku jiro.

“Waxaan ku faraxsanahay dadkeena gobolka Gedo in maanta Ra’iisul wasaare laga dhigay Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed oo ah R/wasaarihi ugu horeeyay taariikhda oo  kasoo jeeda gobolka Gedo.Waana aqoonyahan karti alle siiyey” ayuu yiri Maxamed Abdi Kaliil oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo.

Halkan Guji Kana Dhageyso Mobilkaaga.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Kaliil

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com