DHAGYSO: Xuska maalinta Booliiska oo lagu qabanayo Muqdisho

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka
dhacaya Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayo sanadguurada 74-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galaya Masuuliyiin badan oo ka tirsan Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo), Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil ka kala tirsanaa Hay’adaha ammaanka dalka.

Munaasabada ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka jeedin doona Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyiin kale, waxaana dhammaantood la filayaa in ay ka hadlaan dhibaatada uu soo maray Booliska iyo guulaha hadda uu gaaray Booliska Soomaaliyeed.