Qarax Gaari oo ka dhacay Degmada Dharkenley ee G/ Banaadir

0

Waxaa goor dhow qarax xoogan uu ka dhacay Ajabka Shidaalka Degmada Dharkenyley ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari nuuca raaxada ah, kaas oo la sheegay in loogu xiray Gaarigiisa sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa uu ka badbaaday sarkaalkaasi , islamarkaana uu qarxay Gaariga xilli uu ka dagay.

ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka ee Dowladda oo ku aadan Qaraxaasi.