TOP NEWS:- Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka kala hadlay dar dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo maanta tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ka dhageystay warbixino la xiriira howlgaladii ugu danbeeyay ee lagu qaaday Al-Shabaab iyo xaaladaha guud ee Ciidamada Qalabka sida.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka wada deegaano iyo degmooyinka ka tirsan dalka,taasi oo suura gelisay in Al-Shabaab ka cararaan goobaha ay ku dhuumaleysanayeen.