Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa in muddo ah waxaa ka taagnaa Kiis Kufsi ah kaas oo ay ku eedaysanayeen 4 askri oo ka tirsanaa ciidamada Badda Puntland kadib markii la sheegay Haweeney Madaxa looga jiro inay Kufsi ugu Gaysteen Garacad.
Shiikh Jaamac Maxamuud Kaytoon Qaaliga Maxkamada Darajadda Koowaad ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa sheegay Askartan in lagu waayey wax dacwad ah sidoo kalana laga dhaariyey Kiiskii lagu soo eedeyey.
Ugu dambeyn Nabadoon Xirsi Baalle waa Awoowaha Gabadha Dhibanaha ah wuxuuna Maxkamada Horteeda ka cadeeyey inuu ku qanacsanyahay Go,aanka Maxkamadu ay ka gaarto Kufsiga Gabadhaas uu awoowaha u yahay.