MD Farmaajo oo la kulmay Madaxa UNHCR

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxuu kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda UNHCR, Flippo Grandi oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Mr. Grandi ayaa waxuu sheegay in Madaxweynaha uu u balan qaaday in Hay’adda UNHCR ay sii wadeyso taageerida Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in ay Hay’adda UNHCR ay caawin doonto Soomaalida dib ugu soo laabaneysa dalkooda, kuwa qaxootiga ah iyo barakacayaasha.

Ugu dambeyn, waxaa uu shaaca ka qaaday in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo taageerida qaxootiga Soomaaliyeed.