Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad ku dhexmaray magaaladda Boorama ciidamada booliska iyo dad careysan oo taageersan Fanaanka Caanka ah ee Nimcaan HIlaac oo ciidanku doonayeen inay xiraan.
Ciidamada booliska ayaa rasaas ay ku kala dareerinayeen dadka ku dhaawacantay qof haweenay ah, taas oo cisbitaalka Boorama la dhigay, waxaana taasi keentay inay dadku mudaharaad ay taayiro ku gubayaan oo ay wadooyinkii kala xidhaan.
Ciidamada booliska ayaa guriga Nimcaan Hillaac tagay si ay usoo xiraan, haseyeeshee markii ay waayeen waxay xabsiga u taxeen Aabihii iyo gabar ay walaalo ahaayeen sida ay warbaahinta u xaqiijisay hooyada dhashay Nimcaan hilaac.
“ciidamada booliska ayaa guriga noogu yimid markii ay fanaankii waayeen ayey dadkii meesha joogay budad la dhaceen, waxaana hadda xidhan Nimcaan Hilaac Aabihii, walaashii iyo wiil uu abti u yahay, saddexda qof ayaa hadda naga xidhan, isagiina ma joogo”sidaas waxa tidhi fanaanka hooyadii oo warbaahinta la hadashay.