Shir weyne Qaran oo ka furmaya Muqdisho

0

Waxaa lagu wadaa maanta oo Axad ah in si rasmi ah uu  Shirweynaha Qaran ee Siyaasadda Dhalinyarada uga furmo Magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya.

Waxaa ka qayb galaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadiisa,madaxda Dowladda,ururada bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.

Maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray dhalinyaro badan oo ka yimid qurbaha iyo gobolada dalka,kuwaasi oo isku diyaarinaayay in ay ka qaybgalaan shirka looga hadlaayo mustaqbalka Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa inta uu socda qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah siyaasada dhalinyarada ee dhawaan ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada,iyadoo talooyin iyo afkaaro ku aadan siyaasadaasi la isku dhaafsan doono

Sidoo kale shirka waxaa loogu hadlaya sidii loo mideyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa dowr muhiim ah ku leh horumarka dalka,maadaama dalka 70% boqolkiiba uu yahay Dhalinyaro,waxaana tani ay dhiirogelinaysaa rajada dhalinyaradu ay ka qabaan in laga talo geliyo arrimaha dalka