Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amabassador Maechel Keating ayaa Haweenka ku jira Baarlamaanka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Nabadeynta iyo Dib u heshiinta Dalka.
Mr Keating oo kulan gaar ah la qaatay 17 xubnood oo ka tirsan Haweenka ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Haweenka ugu qeyb qaadan la hayeen xoojinta Nabadda Soomaaliya.
Waxaana uu sheegay Keating in Haweenka looga baahan yahay in door muuqda ay ka qaataan arrimaha xalinta Khilaafaadka iyo Dib u heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay Haweenka ka tirsan Baarlamanka in ay qaatan doorkooda ku aadan sharci dajinta, si Dalka ay Nabad waarta uga hana qaado.
Dhanka kale xubno ka mid ah Haweenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in ay bilaabayaan Olole wacyi galin ah oo u jeedkiisu yahay horumarinta Nabadda iyo Dib u heshiisiin ka dhacda Dalka,
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa horay ugu qoondeeyay in Baarlamaanka Soomaaliya ay Haweenku ku yeshaan 30%, taas oo u muuqta mid meel martay.