Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bakool

0

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamo Daacad ah Sheekh Mukhtaar Roobow uu ka dhacay deegaanka Abal ee Gobolkaasi.

Waxaana uu dagaalkan uu yimid, ka gadaal markii Ciidamada Sheekh Mukhtaar Roobow iyo kuwa Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyhiin nawaaxiga deegaanka Abal ee Gobolka Bakool.

Ugu yaraan 7 Askari oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka bada, sida uu xaqiijiyay sakaal ka tirsan Milateriga Dowladda Soomaaliya.

Weli xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana is hor fadhiya dhinacyadii ku dagaalmay halkaasi.;

Ma jiro illaa iyo haatan wax war ah oo Al Shabaab ka soo baxay oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.