Iyadoo magaalada Muqdisho weli ay ka soconayaanm ciyaarihii kubadda Cagta ee Dowlada Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa rajo wanaagsan laga muujinaya in ciyaaraha ay fure u noqdaan isdhexgalka bulshada iyo Nabadda.
Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa ka qeybgalay tartankii ugu dambeeyey ee dhexmaray Kooxaha Kubadda Cgata Koonfur Galbeed iyo Puntland,oo qeyb ka ah tartanka ciyaaraha Muqdisho ka socda.
Sidoo kale waxaa jiraty tartan dhanka Orodadad ah kaasi oo lagu soo dhaweynayay Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabislan arrimaha Soomaaliya Ambassador Keating,sida ay sheegtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo furtay tartankaasi orodada ah.
Micheal Keating oo la hadlayay warbaahinta ayaa dhiirogeliyay habsami u socodka Ciyaaraha,wuxuuna xusay in ay yihiin astaamo muujinaya nabadda iyo is dhexgalka bulshada.
Ciyaartii dhexmartay Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa 1-0 waxaa ay guusha ku raacday Koonfur Galbeed,iyadoo galabta ay is arki doonaan Galmudug iyo Jubbaland.