Sawirro:-Danjiraha Soomaaliya ee Masar oo booqday dhaawacyada qaraxii Soobe

0

Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ay wehlinayaan ku-xigeenkiisa Ilyaas Sheekh Cumar iyo Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah mudanyaasha Aqalka sare ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii 14ki October ka dhacay Ex-Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

 Bukaanada qaba dhaawacyada oo tiradooda gaareysa 15 ruux aya habeenimadii Sabtida gaaray caasimada Masar ee Qaahira, waxana lagu dhabiibayaa afar isbitaal oo ay lee yihiin ciidamadda militeriga Masar.

Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalada waxayna xog-wareysteen bukaanada iyo howlwadeenada caafimaad ee Isbitaalada ku sugan.

Maxamed Macalin Xasan oo ka mid ah bukaanada jiifa Isbitaalka ayaa iiga warbixiyay xaaladiisa caafimaad, isagoo u mahad celiyay Madaxda Qaranka, Mas’uuliyiinta Safaaradda iyo dowladda Masar ee caawimaada u fidisay.

“Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaya Dowladda Masar iyo dhaqaatiirta Isbitaalka, si fiican ayey inoo soo dhaweeyen weyna nala tacaaleen, Safaaradda oo nasoo booqatay maanta, ayagana waa ugu mahadcelinayna Safaaradeena waxa ay ku dadaalayan inaan caafimaad taam helno, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Mudane Xasan Cali Kheyre iyo labada gudoomiye ee aqalka sare iyo Golaha Baarlamaanka shacabka waxay naga caawiyeen sidii dalka dibadiisa naloogu so daaweyn lahaa waxan alle uga baryaya inu howsha ay ino hayaan u fududeeyo waxaana lee yahay guuleysta mudanayaal.,”

Safiirka Soomaaliya ee Masar Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay gurmadka ay u fidisay Soomaaliya, waxaana uu sheegay in safaaradda ay gudaneyso waajibaadkeeda Qaran isla markaana ay mas’uuliyad balaarani ka saarantahay, ka warqabidda iyo u adeegida bukaanada.

“Maanta waxa ino suurta gashay inan soo booqano dhaawacyadii dhawaan laga keenay soomaaliya caasimada muqdisho kuwaaso gaaraya 15 ruux waxana lagu soo qaaday diyaarad ay leeyihiin ciidamada militeriga Masar, sidoo kale waxa hada lagu dabiibaya isbitaalada ciidamada militeriga oo dowladda Masar ay ka faalo qaaday” ayuu yiri Danjire Cabdiqani.

Safiirka ayaa intaa ku daray “Anigoo ku hadlaya afka shacabka Soomaaliyeed waxaan u mahadcelinaya dowladda Masar oo inoo fidisay gurmadka mar walbana garab taagan dalkeenna, safaaradda waxa ka go’an iney waajibaadkeeda Qaran kaso baxdo oo dhaawacyada ku jira isbitaalada aan u qabano adeegyada ay nooga baahan yihiin”.

Sabtidii ayey ahayd markii magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya ay gaartay diyaarad weyn oo ciidamada militariga dalkani Masar ay leeyihiin, taasi oo siday shixnad dawo iyo qalab caafimaad ah, waxayna soo qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.