DHAGEYSO: Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweyne Xaaf ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxuu sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay nabadeynta Gobolka Mudug.

Safarka Madaxweynaha ayaa laga dareemay Gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in aad loo adkeeyay amniga Magaalada Gaalkacyo.