DHAGEYSO: QARAX khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo

0

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qarax ka dhacay Degaanka Fax Faxdhuun ee Gobolka Gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa bambaano nuuca gacanta laga tuuro oo lagu weeraray hooyga Guddoomiyaha Degaanka Fax Faxdhuun, Aadan shuqul Nuunoow.

Guddoomiye Aadan shuqul ayaa waxuu sheegay in labo ruux oo caruur ah ay ku dhaawacmeen, waxuuna intaasi ku daray in ay wadaa baaritaano ku aadan nuuca uu qaraxa ahaa.

Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxii ka dhacay Degaanka Fax Faxdhuun ee Gobolka Gedo.