Dhageyso:-Dowladda Talyaaniga Oo Somalia Ugu Deeqeysa Milaayiin Dollar

0

Wasiirka arimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka talyaaniga iyo hay,ada horumarinta xiriirka ayaa sheegay in lacag dhan 3 milyan oo euro ay ugu deeqayaan somaliya iyagoo usoo barinaya hay,ada qaramada midoobay ee UNFPA.

Lagactaasi ay dowladda talyaaniga sheegtay in loogu tala galay in dhinaca caafimaadka wax loogu qabto saddexda sanno ee soo socota.

Hay,ada UNFPA ayaa sheegay in lacagtaasi ay u adeegsan doontoo sidii la yareyn lahaa heerka dhimashada caruurta dhalaneysa ee somaliya,iyadoo intaa ku dartay in sidoo kale la abuuri doono mashaariic looga hortago dhibaatooyinka loo gaysto haweenka iyo caruurta soomaaliyeed.

Safiirka dowladda talyaaniga ee somaliya Carlo Campanile ayaa xusay in taageeraadaasi dhaqaale ay qayb ka tahay kaalmada uu talyaaniga siiyo dowladda somaliya oo uu kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.

Mr Carlo ayaa intaasi ku daray in dowladda talyaaniga ay sii wadi doonto mashaariicda dhinaca caafimaadka ee ay ka wado dalka soomaaliya oo mudo dheer ku jiray colaado xoogan.

Wakiilka hay,adda UNFPA Nikolai Botev ayaa sheegay in taageerada dhaqaale ee ka timid talyaaniga ay tahay mid wax badan loogu qabanayo arimaha horumarinta bulshada oo caafimaadka uu qayb weyn ka yahay.

Wuxuuna si weyn ugu mahad celiyey dowladda talyaaniga isagoo tilmaamay in deeqdaasi lacageed ay imaaneyso xilli baahi weyn loo qabay

Halkaan Hoose Ka Dhaageyso Codka