Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland qarax lagula eegtay bartamaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolkaasi.
Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska Afar Irdood ee Magaalada Boosaaso, halkaas oo ah goob mashquul badan.
Ugu yaraan 7 Askari oo ka tirsan Ciidamada ammaanka Maamulka Puntlan ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi.
Illaa iyo hadda ma cada in qaraxaasi uu ahaa Miino Dhulka lagu aasay iyo inkale.
Dhawaan ayey ahayd markii sidan oo kale qarax Miino Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland lagu eegtay Magaalada Boosaaso, kaas oo ay masuuliyaddiisu sheegteen Xarakada Al Shabaab.