Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa farriin hanjabaad laga dhadhansan karay u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka Kenya, oo sida uu sheegay aan laga yeeli doonin inay dastuurka hareer maraan.
Uhuru Kenyatta ayaa jeediyay khudbad uu ugu talagalay munaasabadda xorriyadda dalkaasi, oo maanta si guud looga xusay gebi ahaanba dalkaasi.
“Markii Madaxweynenimada la ii dhaariyay sanadkii 2013-ka iyo dib u dhaarinteedii bishii hore, waxaa la i siiyay awoodda laba waxyaabood oo aad muhiim u ah, ilaalina dastuurta iyo difaaca dalka.” Ayuu yiri hogaamiyaha Kenya.
Madaxweynaha, ayaa ku hanjabay inaanay jiri doonin cid looga heebeysanayo ilaalinta karaamada Kenya, meelmarinta dastuurka iyo suggida nabadgelyada.
“Ma jirto cid aan uga heebeysanayo dhawrista sharafta, ku dhaqanka dastuurka iyo amniga, maxaa yeelay waxaan ahay hogaamiyaha dalka iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya.
Dhinaca kale Madaxweyne Kenyatta, ayaa yiri “Ciddii isku daydaa cago-juglayn amaba dhibaatooyin dalka u gaysataa, aan aniga u xil saaranahay difaaciisa. Kenya ma aqbali doonto wax kasta oo dastuurka ka baxsan.”
Isku soo wada duuboo Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa u muuqdo mid ku socda mucaaradka dalkaasi, oo iyagu ka horyimid inay aqoonsadaan in markale loo doortay in uu yahay Madaxweynaha Kenya.