DHAGEYSO:-Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Puntland oo qarax lagu dilay

0

Wararka laga helayo Gobolka Bari, agaar ahaan  Buuraha Galgala ayaa sheegaya  in maanta uu qarax ku dhintay Madaxii Miino Baarista Puntland Kornayl Cisman Abshir (Kabayare).

Korneylka ayaa la sheegay inuu haleelay Qarax lagu aasay aagga Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland fariisin ciidan ku leeyihiin, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Puntland.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay sarkaalkan xilli ay ciidamadu ku howlanaayeen soo saarista miino jidka dhinaciisa lagu aasay.

Laamaha ammaanka Maamulka Puntlad weli wax war ah kama soo saarin qaraxan uu ku dhintay sakaarkaal miina baarista u qaabilsanaa, balse Ciidamada ayaa ku daba jira raggii falkan ka dambeeyay.

Kooxda Daacish iyo ururka Al-shabaab ayaa inta badan Ciidamada maamulka Puntland waxa ay qaraxyo gaadmo ah kula eegtaan degaanada Puntland gaar ahaan aagga buuraha Galgala.