Taliyaha Ciidanak Xoogga Soomaaliyeed Cabdiweli Jaamac Xuseen ( Gorod) ayaa waxaa kormeerkiisa uu Maanta ku tegay Xerada 54,aad ee duleedka degmada Garoowe ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland oo uu ugu horeeyay taliyaha Ciidamada Siciid dheere
Taliye Gorod ayaa soo indha indheeyay Xarumaha Ciidmada ee Xerada iyo waliba xaalada ay ku nool yihiin.
Khudbad uu u jeediyay Ciidamadaas ayaa taliyuhu waxa uu sheegy in Puntland ay noqoneyso meeshii ugu horeysay ay ka bilaabaayan isku-dhafka Ciidamada Xoogga dalka.
Waxa uu kula dardaarmay ciidamada uu Maanta xeradooda ku booqday oo ah Ciidamada Daraawiishta Puntland balse dhawaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan Sugida amniga dalka.
HOOS KA DHAGEYSO