DHAGEYSO:- Abuukar Cumar Cadaan “Waxaa codsanaa in Duq Xasan Dahir Aweys la soo daayo”.

0

Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta gudaha dalka ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaalada Siyaasadeed ee dalka, Amniga, Dhaqaalaha, Musuq maasuqa iyo Go’aankii Mareykanka ee Trump uu Magaalada Barakeysan ee Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Yuhuuda.

Mar uu ka hadlayay xaalada Siyaasadeed ee dalka ayuu sheegay in Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada ay yihiin kuwo laga maamulo Itoobiya isla markaana ay fikirkeeda ku Shaqeeyaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale isaga oo ka hadlayay dhanka amniga dalka ayaa waxa uu sheegay in Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay ku dhib qabaan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir, sida in Wadooyinkii Xaafadaha iyo kuwa Caadiga mararka qaar laga xiro.

Isku soo wada duuboo Abuukar Cumar Cadaan ayaa ugu dambeyn codsaday in lasii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Xabsi Guri ku jira tan iyo Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

HOOS KA DHAGEYSO