Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Waxaana howlgalladaasi Ciidamadu ay kula waregeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan  Ciidamada Dowladda ayaa xaqiijiyay  in la wareegeen  deegaano dhaca Duleedka Degmada Baardheere ee Gobolkaasi..

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Ciidamada Dowladdu dha dhaqaaqyo ka dhan Al Shabaab ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo uu ka arrimiyo Maamulka Jubbaland.